Computerka waa qalab la isku rakibo oo ka kooban:
1- RAM (Random Access Memory): waa memory loogu talagay inuu xogta hayo inta uu daaran yahay Computerka waana ku meel gaar.
2- ROM (Read Only Memory): waa meesha haysa xogta ku saabsan shirkada sameesay Computerka iyo macluumaad kale waana Joogto Kaydkeeda.
3- CPU (Central Processing Unit): waa qalab process gareeya dhaqdhaqaaqa ka socda Computerka.
4- CMOS (semi-conducting Metal Oxide): waa meesha haysaa saacada iyo taariikhda Computer-ka inay ahaato mid aan is
khaldin marka la damiyo Computerka.
5- MotherBoard: waa meesha ay ku wada rakiban yihiin 4-ta aan kor ku soo sheegay iyadoo isku haysa xargo badan iyo
waxyalao kale oo yar yar.
6- Power Supply: waa dab qaybiyaha Computerka kaasoo ah meesha Computerka uu ka qaato dabka korantada ka imaanaysa
isagoo hadhow dabk u kala qaybinayaa qaybaha kale ee Computerka.
7- Cooler-Fun: oo ah laba nooc mid ku dul rakiban CPU iyo mid ku rakiban Power Supply. muhiimadoodu waxay tahay inay
kulaylka ka saaraan CPU-da iyo Power Supply-ga
No comments:
Post a Comment