1- Su’aal: Sheg meeshay eheed meeshii ay aayada quraanka ugu horeesay ku soo degtay?
1- Jawaab: Meeshii ugu horeesay ay aayada quraanka ku soo degto waxay eheed Xiraa.
2- Su’aal: Sheeg imisa sano ayuu Quraanka soo dagaayey?
2- Jawaab: Wuxu soo dagaayey 23 sano.
3- Su’aal: Sheg Quraanka yaa u keeni jiray Rasuulka (NNKH) Ama sidee buu ku soo gaari jiray?
3- Jawab: Rasuulka (NNKH) waxaa u keeni jiray Jabriil (CS) isagoo allahiisa ka soo qaadi.
4- Su’aal, Sheg kumuu ahaa Safiirkii ugu horeeyey ee uu Rasuulka (nnkh) uu madiina i diro si uu u baro Quraanka?
4- Jawaab: wuxu ahaa wuxu ahaa Muscab Bin Cumeyr (RC).
5- Su’aal: Sheeg asxaabtii uu Rasuulka (NNKH) u doortay inay quraanka soo dagaya uruuriyaan?
5- Jawaab: Wuxu u doortay Sayid Bin Thaabid, Ubaya Bin Kacab, Mucaad Bin Jabal, Mucaawiye Bin Abuu Sufyaan, iyo Afartii Khaliif.
6- Su’aal: Sheeg ninkii ugu horeeyey ee Quraanka aruuriya?
6- Jawaab: Ninkii ugu horeeyey ee Quraanka aruuriya wuxu ahaa Abuu-kabar Sadiiq (RC).
7- Su’aal: Sheeg sababta kaliftay in quraanka la isu soo aruuriyo hadaba sababta maxay ahayd?
7- Jawaab: Sababta waxay ahayd (Asxaabtii Quraanka xifdisaney oo dagaalada aad ugu dhimanaayey) Sida dagaalkii ka noqoshada meesha la yiraahdo Yamaama markaa waxaa laga baqay in quraanka lumo, Sidaas darteed baa dib loogu aruurshay Quraanka.
8- Su’aal: Sheeg kumuu ahaa asxaabigii uu abuu-bakar u xil saaray ama madax uga dhigay asxaabtii soo ururineesay quraanka?
8- Jawaab: Abuu bakar (RC) Wuxu madax uga dhigay asxaabtii quraanka soo uruurineesay asxaabiga la yiraahdo Sayid binu Thaabid.
9- Su’aal: Sheeg qofkii ugu horeeyey ee Islaamka u hijrooda ?
9- Jawaab: Qofkii ugu horeeyey ee Islaamka u hijrooda waa Cusmaan Bin Cafaan iyo Rukhiya muxammed rc.
10- Su’aal: Sheeg maxay kala yihiin Muhaajiriin iyo Ansaar?
10- Jawaab: Waxay kala yihiin labo (2)
- Muhajiriin waxaa ladhahaa asxaabtii Makka ka timid oo timid madiina.
- Ansaar-na waa asxaabtii Madiina loogu yimid.
11- Su’aal: Sheeg kumuu ahaa Asxaabigii uu Rasuulka (NNKH) ku magacaabay Allmiinka umadaan?
11- Jawab: Wuxu ku magacaabay Abii Cubeyda Caamir Bin Jaraax (RC).
12- Su’aal: Sheeg maxaa la’oran jiray godkii ay galeen Rasuulka (NNKH) iyo Abuu-Bakar (RC) markii ay Madiina u hijroon nayeen?
12- Jawab: Waxaa la’oran jiray Godkii Dibiga (Qaaru Thowr)
13- Su’aal: Sheeg kumuu ahaa Ninkii uu Rasuulka (NNKH) uu ku dagay markuu Madiina tagay?
13- Jawab: Wuxu ahaa Abuu Ayuub Al ansaari (RC).
14- Su’aal: Sheeg Malaa’igtaan soo socota mid waliba waxa uu Alle u wakiishay:
- Jabriil
- Miikaa’iil
- Cazraafiil
- Ridwaan
- Maalik
14- Jawab:
- Alle wuxu u wakiishay Jabriil waxyiga.
- Alle wuxu wakiishay Miikaa’iil Roobka.
- Alle wuxu u wakiishay Cazraafiil Nafta inuu qaado.
- Alle wuxu u wakiishay Ridwaan Janada, waana kan Janada furaheda haaya.
- Alle wuxu u wakiishay Maalik Naarta kan furaheeda haaya.
15- Su’aal: Sheeg Shan arimood oo Rasuulkeena (NNKH) iyo Ummadiisa looga fadilay Dhamaan ummadihii ka horeeyey?
15- Jawab: Rasuulka (NNKH) waxaa loo-diray;
- Jini iyo Insi,
- Shafeecada aakhiro oo la-siiyey,
- Dhulka oo dhan oo daahir looga dhigay,
- Qaluubta gaalada oo cabsi loogu riday,
- Qaniimada oo loo-fasaxay.
16- Su’aal: Sheeg Eey-gii galay Janada?
16- Jawab: Wuxuu ahaa Eey-gii la-socday Reer asxaabu kahfi.
17- Su’aal: Sheeg Gaal-kii ilaahaynimada sheegtay ee misana qabay Naag Muslimad eheed?
17- Jawab: Wuxuu ahaa Fircoon.
18- Su’aal: Sheeg UBadka aan Aabe mooyee Awoow laheyn?
18- Jawab: Waa Ilma Aadan (cs).
19- Su’aal: Sheeg Qofka aan Hooyo mooyee Aabo laheyn?
19- Jawab: waa nebi Ciise )cs).
20- Su’aal: Sheeg salaada aan aadaan iyo aqim mid lahayn?
20- Jawab: Waa salaada ciida
fadlan wixii talo iyo cilmi aad haysaba hoosta noogu reeb si ay dad ka kalena uga faa iidaystaan
mahadsanidiin
No comments:
Post a Comment