Saturday, January 5, 2019

Su’aalo iyo Jawaabo Ku Saabsan Saxaabada Rasuulka (scw)

Su’aasha 1aad: Waxaad sheegtaa magaca Malaga suurta afuufay oo kamid ah mallaigta?
Jawaabta 1aad: Malaga suurta afuufaya waxaa la yiraahdaa Israa’fiil.
Su’aasha 2aad: Waxaad sheegtaa geedka ka baxa Jahanama bartankeeda?
Jawaabta 2aad: Waxaa la yidhaahdaa Zaquum.
Su’aasha 3aad: Waxaad sheegtaa macnaha magaca Jibriil?
Jawaabta 3aad: Macnaha Jibriil waa Adoon, sida uu ku fasiray Ibnu Cabaas.
Su’aasha 4aad: Waxaad sheegtaa masaajidka salaada lagu tukadaa ay u dhiganto ajar cumro?
Jawaabta 4aad: Waa masaajidka Qubaa ee madiina ku yaalo.
Su’aasha 5aad: – Waxaad sheegtaa maydka xalaasha ah?
Jawaabta 5aad: maydka xalaasha ahi waa ””Ayaxa iyo Kaluunka.
Su’aasha 6aad: – Waxaad sheegtaa dhiiga xalaasha ah?
Jawaabta 6aad: Dhiiga xalaasha ahi waa Beerka iyo Beer-yarada.
Su’aasha 7aad: – Kumuu ahaa ninkii dakhray Nebiga (NNKHA), dagaalkii Uxud?
Jawaabta 7aad: Wuxuu ahaa Ibnu Qimah.
Su’aasha 8aad: Kumuu ahaa yuhuudigii Nebga (NNKHA),sixray?
Jawaabta 8aad: Wuxuu ahaa Lubeyd binu Acsam.
Su’aasha 9aad: – Waxaad sheegtaa ninkii jebiyey dhooshii nebiga (NNKHA), dagaalkii Uxud?
Jawaabta: 9aad: – Wuxuu ahaa Cuqba binu abdi waqaas.
Su’aasha 10aad: – Waxaad sheegtaa gabadhii Alle u waxyooday?
Jawaabta 10aad: waxay ahayd Nebi Muuse (cs) hooyadii
Su’aasha 11aad: – Waxaad sheegtaa magaalada aan cudurka daacuunku gelin?
Jawaabta 11aad: Waxaa weeye Magaalada Madina Almunawara.
Su’aasha 12aad: – Waxaad sheegtaa suuradii sababta u ahayd inuu soo islaamo Cumar binu khadab?
Jawaabta 12aad: Waxay ahayd suuradu Daahaa.
Su’aasha 13aad: – Waxaad sheegtaa suurada u shafeeco qaadeysa qofka akhriya?
Jawaabta 13aad: Waa suuratu Mulk (Tabaarak).
Su’aasha 14aad: – Waxaad sheegtaa aayada koobeysa dhamaan xuruufta carabiga?
Jawaabta 14aad: waa aayada u danbeysa suurada Al-fatax.
Su’aasha 15aad: – Waxaad sheegtaa Asxaabigii la dilay isaga oon weligii Alle u sujuudin?
Jawaabta 15aad: Wuxuu ahaa Cumar binu Thaabit, wuxuu soo islaamay dagaalkii Uxud waxaana la Dilay isla maalintaas
Su’aasha 16aad: – Waxaad sheegtaa shahiidkii ugu horeeyey Islaamka?
Jawaabta 16aad: Waxay ahayd Sumaya bintu khayaad
Su’aasha 17aad: Waxaad sheegtaa duulaankii (Qaswadii) ugu danbeeyey ee Rasuulku duulo?
Jawaabta 17aad: Waxay ahayd Qaswadii Tabuuk , sanadii 9aad ee Hijrada
Su’aasha 18aad: Waxad sheegtaa Labadii Asxaabi ee Rasuulku ku dabo tukaday?
Jawaabta 18aad: Abuu Bakar as-Sadiiq iyo C/raxamaan binu Cawf
Su’aasha 19aad: Waxaad sheegtaa sanadka islaamka loo yaqaan sanadkii murugada?
Jawaabta 19aad: Waa sanadkii ay dhimatay Khaddiija binti Khuweylad, iyo Abuu daalib.
Su’aasha 20aad: Yaa ugu soo hor islaamay reer Madiina?
Jawaabta 20aad: Waxaa ugu soo hor islaamay Sacad binu Suraara
Su’aasha 21aad: – Jannada yaa ugu hor gelaaya?
Jawaabta 21aad: Waxaa ugu hor gelaaya Nabigeena Muxammed (NNKHA)
Su’aasha 22aad: Waxaa sheegtaa Denbigii ugu horeeyey ee Alle lagu caasiyo?
Jawaabta 22aad: Wuxuu ahaa Kibir uu sheydaan ka kiray inuu sujuudo.
Su’aasha 23aad: Waxaa sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee qof dila aduunka korkiisa?
Jawaabta 23aad: Wuxuu ahaa Qaabiil binu Aadam oo dilay walaalkii Haabiil.
Su’aasha 24aad: Waxaad sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee Qiblada u tukada?
Jawaabta 24aad: Wuxuu aha Asxaabiga la yidhaa Saciid binu Mucaali.
Su’aasha 25aad: Waxaad sheegtaa magaca Asxaabigii Abi saciid Alkhudriyi?
Jawaabta 25aad: Waxaa la odhan jiray Sacad binu maalik binu sinaan (RC).
Su’aasha 26aad: Kumuu ahaa Asxaabigii Nebigu(NNKHA), yidhi waxaa dileysa koox xadgudubtay?
Jawaabta 26aad: Wuxuu ahaa Camaar binu-yaasir (RC).
Su’aasha 27aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku dhashay Kabcada badhtankeeda?
Jawaabta 27aad: Wuxuu ahaa Xakiim binu xisaam (RC.
Su’aasha 28aad: Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Malaku Jibriil Alle salaanta uga keenay?
Jawaabta 28aad: Waxay ahayd Khaddiija bintu khuweylad (RC).
Su’aasha 29aad: Waa kuma sayidka shuhadadu?
Jawaabta 29aad: Waa Xamsa binu Cabdi mudalib (RC).
Su’aasha 30aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii Nebigu(NNKHA) u sheegay inuu Alle jecelyahay?
Jawaabta 30aad: Wuxuu ahaa Miqdaad binu Camar (RC).
Su’aasha 31aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku riyooday Adanka?
Jawaabta 31aad: Cabdullaahi binu Zayid (RC).
Su’aasha 32aad: Waxaad sheegtaa Suuradii Nebigu (NNKHA), yidhi waxaan ka jeclahay Aduunka iyo waxa dhex yaala?
Jawaabta 32aad: Waa Suuratu, Al-Fatax.
Su’aasha 33aad: Noocyada Sadaqada tee ugu fadli badan?
Jawaabta 33aad: Waxaa ugu fadli badan Biyaha oo lays waraabsho.
Su’aasha 34aad: Waxaad sheegtaa magaca faraskii ugu horeeyey ee Rasuulku (NNKHA), ku duulo?
Jawaabta 34aad: Waxaa la odhan jiray Sakab.
Su’aasha 35aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu ka xishoon jirtay?
Jawaabta 35aad: Wuxuu ahaa Cismaan binu Cafaan (RC).
Su’aasha 36aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee lagu aaso Xabaalaha Baqiic?
Jawaabta 36aad: Wuxuu ahaa Cismaan binu Madcuun (RC).
Su’aasha 37aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii geridiisa uu u luxmy Carshiga Alle?
Jawaabta 37aad: Wuxuu ahaa Sacad binu Mucaad Al-ansaariyi (RC)
Su’aasha 38aad: Waxaad sheegtaa Sir-hayihii (xog-hayihii), Nebiga (NNKHA)?
Jawaabta 38aad: Waxaa la odhan jiray Xudeyfa binu-yabaan (RC).
Su’aasha 39aad: – Kumuu ahaa Asxaabigii Sunta cabay ee Yidhi Bismilaah ee aan waxba ku noqon?
Jawaabta 39aad: Wuxuu ahaa Khaalid Binu Waliid(RC).
Su’aasha 40aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii dilay Aabihii oo gaal ah dagaalkii Beder?
Jawaabta 40aad: Wuxuu ahaa Abu-cubeyda Caamir Binu jaraax.
Su’aasha 41aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii arkay Masiixu dajaal?
Jawaabta 41aad: Wuxuu ahaa Tamiin binu Aws.
Su’aasha 42aad: Waxaad sheegtaa Magaca caadiga ah ee Abu-hureyra?
Jawaabta 42aad: Waxaa la yidhaa C/raxmaan binu Zakhar (RC).
Su’aasha 43aad: Waxaad sheegtaa Magaca Abi-ayuub Al-ansaariyi?
Jawaabta 43aad: Waxaa la odhan jiray Khaalid binu Zayid (RC).
Su’aasha 44aad: Waxaad sheegtaa Magaca Asxaabigii Abi-dar Al-qafaariyi?
Jawaabta 44aad: Waxaa la odhan jiray Jundub binu Junaadah (RC).
Su’aasha 45aad Waxaad sheegtaa Asxabigii Baryadiisa Alle aqbali jiray?
Jawaabta 45aad: Waxaa uu ahaa Sacad binu Abi-waqaas (RC).
Su’aasha 46aad: Waxaad sheegtaa Asxaabiga qudha ee magiciis Quranka lagu sheegay?
Jawaabta 46aad: Waxa weeyaan Zayid binu- Xaarith (RC).
Su’aasha 47aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii geeridiisa ay 70,000, ee Malag soo degeen?
Jawaabta 47aad: Waa Sacad bin Mucaad (RC).
Su’aasha 48aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu soo bookhan jirtay?
Jawaabta 48aad: Waxa uu ahaa Cumraan binu Xuseen (RC).
Su’aasha 49aad: Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Rasuulku(SCW), ku kafnay khamiiskiisii?
Jawaabta 49aad: Waxay ahayd Faadima binu-Asad (Cali binu-abi Daalib hooyadii) (RC).
Su’aasha 50aad: Waxaad sheegtaa Munaafiqii Nebigu (NNKHA), yidhi qofka doona inuu sheydaan arko kaas ha eego?
Jawaabta 50aad: Wuxuu ahaa Nabtal binu Acsam.
Su’aasha 51aad: Waxaad sheegtaa Magaca Abi Bakar as-Saddiiq?
Jawaabta 51aad: C/laahi binu Qaxaafa .
Su’aasha 52aad: Waxaad sheegtaa Magaca Abu-jahal?
Jawaabta 52aad: Waxaa la odhan jiray Camar Binu Hishaam.
Su’aasha 53aad: Waxaad sheegtaa waxa Alle abuuro wixii ugu horeeyey?
Jawaabta 53aad: Alle wuxu ugu hor abuuray Qalinka.
Su’aasha 54aad: Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee u hijrooda Ardul-xabash?
Jawaabta 54aad: Cuthmaan bin Cafaan R.C.
Su’aasha 55aad: Waxaad sheegtaa waxa ugu horeeya ee Adoomada laga xisaabinayo Qiyama?
Jawaabta 55aad: Waa Salaadda.
Su’aasha 56aad: Waxaad sheegta qofka ugu horeeya ee Darka(xawdka), Nebiga ka cabaaya?
Jawaabta 56aad: Waa Asxaabiga la yidhaa Suhayb Arruumi (RC).
Su’aasha 57aad: Naarta yaa ugu hor gelaya qiyaamaha?
Jawaabta 57aad: Waxaa ugu hor gelaaya Suldaan, Madaxweyne aan cadaalad sameyn.
Su’aasha 58aad: Waxaad sheegtaa ninka keliya ee Nebigu (NNKHA), gacantiisa ku dilay?
Jawaabta 58aad: Waa Ubaya bin Khalaf .
Su’aasha 59aad: Waxaa sheegtaa Saxaabigii Rasuulka (SC) sirtiisa ahaa?
Jawaabta 59aad: Waxuu ahaa Xudeyfah ibnu al-Yamaan (حذيفه).
Su’aasha 60aad: Waxaa sheegtaa Saxaabigii arkay Masiixuddajaal waqtigii Nabiga (SCW)?
Jawaabta 60aad: Waxuu ahaa Tamiimuddaari (تميم الدار).
Su’aasha 61aad: Waxaa sheegtaa salaada aan lahayn rukuucda iyo sujuuda?
Jawaabta 61aad: Waa salaada janaasada
Su’aasha 62aad: Waxaa sheegta nabigii ugu dambeyay reer banii israa’iil
Jawaabta 62aad: Waa Nabiyullaahi Ciisa (cs)
Su’aasha 63aad: Laba Nabi oo walaalo ah isku mar dhintay.
Jawaabta 63aad: Waa nabi Muuse iyo nabi Haaruun (cs)
Su’aasha 64aad: Waxaa sheegta Cuthmaan Binu Cafaan naanaystiisii (RC)?
Jawaabta 64aad: Waxa uu ahaa (Dii’Nuurayn)
Su’aasha 65aad: Sheeg samada labaad magaceeda?
Jawaabta 65aad: Waxa la dhaha (Macuun).
fadlan la wadaag asxaabtaada qaaliga ah si ay uga faaiidaystaan sharing adoo dhahaya hadaad wax fikrada haysana ama qisooyina qoybta hoose iigu reeb si ay dadka kalena uga faaiidaystaan mahad sanidiin 

No comments:

Post a Comment